-
Diiwaan Galinta Dugsiga Dhexe
Dacdooyinka soodhawaynta Iskuulada Degmada 742 ee ka dhaca Iskuulada Kennedy Community School , Iskuulka dhexe ee North Junior iyo South Junior ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo ardayda imaneysa dugsiga dhexe si ay u bartaan Iskuuladooda, macalimiintooda, iyo maamulayaashooda. Hadii ardayda horaan looga diiwangaliyey Degmada 742 ama wali ay kafikirayaan meesha u wanaasan, qoysaska waxey ooga faaideysankaraan iney kasoo qeybgalaan dacdooyinka soo dhawaynta furitaanka Iskuulada, ee inta badan laqabto Bisha 1aad.
Ardayda Imika Dhigata Iskuulka
Ardayda hadda dhigata mid ka mid ah Iskuulada hoose ee Degmada 742 ayaa si toos ah loogu meeleyn doonaa taxanaha Iskuulka loogu talagalay ee fasalka lixaad. Ardayda Iskuulka ay aadayaan ayaa waxey ku xirantahay goobta ama aaga ay deganyihiin. Ardayda Afka qalaad ku hadasha ayaa waxaa lagu meeleynayaa Iskuulka qabanayo ama martigalinayo barnaamikjadooda. Dhamaan ardayda hadda dhigata Iskuulka iyo qoysaska waxaa lagu dhiirigelinayaa ineey kasoo qeybgalaan dhacdada soo dhawaynta furitaanka Iskuulada (Open house).
Ardayda Cusub
Degmada 742 waxay idinku soo dhaweynaysaa isdiiwaangalinta ama isqorista dhammaan deeggaanka iyo ardayda aaanan degaanka aheyn. Qoysaska ardayda cusub kasoo baddeli doono Iskuulada gaarka loo leeyahay, sida Iskuulada jaatarka, Iskuulka-guriga, Iskuulka lagu barto khadka interneedka ama Iskuulada dadweynaha ee ka baxsan xuduuddaha Degmada 742 aya loo baahan yahay ineey dhamaystiraan habka isdiiwaangalinta munaasabka ah. Qoysaska waxay booqan karaan Xarunta soo dhaweynta ee ku taala Midtown Square Mall si ay iskaga diiwaangaliyaan. Qoysaska wali kafakaraya ineey go’aansadaan messha ardaygooda u wanaagsan ayaa lagu casuumayaa ineey ka soo qeybgalaan dhacdada soo dhawaynta furitaanka Iskuulada ama ineey balan ka qabsadaan si ay Iskuulka u bartaan.
Xarunta Soo Dhawaynta
1201 S. Second St.
Waite Park, MN 56387
Phone: 320-370-8116
Booqashada Iskuulka
Qoysaska laga yaabo ineysan kaqeybgalin dhacdooyinka soo dhawaynta furitaanka Iskuulada ama wali doonaya ineey wax badan bartaan ama ogaadaan, Ayaa waxay sameysan karaan balan booqasho ah oo Iskuulka ay ku baranayaan iyaga oo laxiriiraya Iskuulka ay daneynayaan.
- Kennedy 320-363-7791
- North 320-251-2159
- South 320-251-1322